https://umsv2.uniso.edu.so
Download Print

Shuruudaha Isticmaalka ohticket.com
Online Hospital Ticket

BULSHO TECH OHTicket Terms of Use
Shuruudahan waxay shaqeynayaan laga bilaabo marka aad iska diiwaangeliso ohticket.com

Kusoo dhawoow shuruudaha Isticmaalka adeega Online Hospital Ticket ee laga isticmaalo Website ka cinwaankiisu yahay ohticket.com ee ay diyaarisay shirkadda Bulsho Tech. Ujeedada Heshiiskan waa kala garashada xuquuqda Shirkadda bixisa adeegan iyo Isticmaalaha Adeega, "Anaga", " Shirkadda", "Bulsho" waxaa loola jeedaa Shirkadda BULSHO TECH oo leh adeega, halka "Adiga", "Adinka", "Isbitaalka" loola jeedo Macaamiilka Isticmaalaya Adeega, "Adeega", "Adeegeena", "ohticket.com", "Sysyemka", "Website" waxaa loola jeedaa Online Hospital Ticket oo ay leedahay shirkadda BULSHO TECH.

KU SAABSAN ADEEGA (ABOUT THE SERVICE)

Adeega ohticket.com wuxuu isbitaalada u fududeynayaa in bukaanada hab online ah uga soo codsan karaan ama isaga soo diiwaangelin karaan Kaarka qaabilaada bukaanada, adeegan waxaa kaloo uu leeyahay qeyb lagu maamulo Bukaan socodka iyo Lacagaha Isbitaalka.

ASTAAMAHA ADEEGA (SERVICE FEATURES)

Adeega ohticket wuxuu ka kooban yahay dhowr qeybood oo adeega isbitaalada muhiim u aha waxaana astaamiihiisa kamid ah.

  1. Diiwaangelinta Isbitaalka.
  2. Diiwaangelinta Cudurada Isbitaalka uu Daweeyo.
  3. Diiwaangelinta Dhaqaatiirta Isbitaalka ka shaqeysa.
  4. In Bukaanada si toos ah u heli karaan Cudurada iyo Dhaqaatiirta Daweysa.
  5. In Bukaanada Lasoo xiriiri karaan (CALL & Whatsapp) iyagoo isticmaalaya adeegan.
  6. In Bukaanada si toos ah isaga soo diiwaangelin karaan dhaqtarka ay rabaan.
  7. In Xafiiska Soo dhaweynta Bukaanada helaan Fariimo Whatsapp ah Dadka iska soo diiwaangeliyay.
  8. Diiwaangelinta Bukaanada Isbitaalka yimaada.
  9. Diiwaanka Lacagaha bukaanada laga qaado.
  10. Diiwanka Qarashaadka Isbitaalka ka baxo.
  11. Helista Dhammaan Warbixinada shaqooyinka kor ku xusan.

QIIMAHA ADEEGA (SERVICE PRICE)

Adeegan qiimihiisu waa $10/bishii. Iyadooo 6dii bilood ay tahay $55, halka sanadkii uu yahay $100.

HABKA IS DIIWAANGELINTA ADEEGA (SERVICE REGISTRATION)

ohticket waxaad isaga diiwaangelin kartaa hab online ah adigoo booqanaya website-ka adeega oo ah https://ohticket.com, sida loo isticmaalo systemka oo dhameystiran waxaad ka heleysaa dukumiintiyo Qoran iyo kuwa muuqaalba ah, buuga waxaad kala soo degi kartaa https://ohticket.com/downloads/ohticket-book-v.1.0.pdf, Muuqaalka oo dhameystiran waxaad ka heleysaa youtube-ka Bulsho Tech https://youtube.com/playlist?list=PLfaLVSZtQDn5bTffcW3UaZWJBSX6wQfYL





XUQUUQDA ISBITAALKA (HOSPITAL RIGHTS)

Macaamiilka (Isbitaalka) adeegan isticmaalayo wuxuu awood buuxda u leeyahay inuu isticmaalo astaamaha adeega kor ku xusan, sidoo kale isbitaalka wuxuu dalban karaa astaamo/qeybo ka baxsan kuwa kore oo loogu kordhinayo hadii is faham gaar ah wada galaan isbitaalka iyo Bulsho Tech.

XARUMAHA ISBITAALKA (HOSPITAL BRANCHES)

Isbitaalka leh dhowr xarumood, xarun walba wuxuu isku diiwaaneliyaa sida isbitaal gaar ah, iyadoo la diiwaangelinayo deegaanka, telka lagala xiriirayo xafiiska qaabilaada iyo dhaqaatiirta ka shaqeysa xarunta.

WAX KABDALKA HESHIISKA (AGREEMENT CHANGES)

Heshiiskan wuxuu ahaanayaa midka saxda ah ee lagu howl galayo, hadii ay dhacdo in wax laga badalo qeyb kamid ah heshiiska sida in astaamo cusub lagusoo kordhiyo, ama qiimaha adeega hoos loo dhigo ama kor loo qaado, waxaan emailka isbitaaka u diiwaangashan kusoo wargelinaynaa muddo 30 casho ka hor, iyadoo isbitaalku awood u leeyahay aqbalaada wax ka bedelka iyo iska joojinta isticmaalka adeega.

GABA GABO (CONCULUTION)

waan akhriyay shuruudaha isticmaalka systemka ohticket, waana aqbalay shuruudaha isticmaalka anigoo gujiyay (riixay / click siiyay)